Arsenal Iyo PSG Oo Dhibcaha Ku Qaybsaday Emirates Gunners Oo Kaalinta Labaad Ee Groupka A Usoo Dhacday, Iyo Lucas Oo Gunners Guul Aysan U Qalmin U Diiday.

2
339

Kooxaha PSG iyo Arsenal ayaa Emirates Stadium ku kala baxay barbaro min labo gool ah, labada kooxood ayaa kala lahaa labada qaybood ee ciyaarta. PSG ayaa qaybta hore si wayn ugu gacan saraysay, halka Gunners qaybta labaad qaab ciyaareedkeeda wax ka bedeshay, waloow PSG fursadaha ugu badan heshay.

Shaxdii Labada Kooxood:

ARSENAL:Ospina, Jenkinson, Mustafi, Koscielny, Gibbs, Coquelin, Ramsey, Alexis, Ozil, Iwobi, Giroud.

KAYDKA: Cech, Monreal, Gabriel, Xhaka, Elneny, Oxlade-Chamberlain iyo Walcott.

PSG:  Areola, Meunier, Marquinhos, Thiago Silva, Maxwell, Krychowiak, Verratti, Motta, Lucas, Matuidi, Cavani.

Kooxda PSG ayaa qaadatay qaybta hore oo aysan cidna ugu tegin ka dib qaab ciyaareed la yaab leh oo ay lasoo galeen garoonka Emirates Stadium.

Marka la eego qaybta hore, wiilasha Wenger ayaa ahaa keliya daawadayaan mana jirin fursad cad oo gool loo filan karay oo ay la tageen shabaqa kooxda martida ee PSG.

PSG ayaana bartamihii qaybta hore ku sigatay inay ciyaarta hogaanka u qabato, ka dib kubad koorno ahayd oo ay soo qaaday PSG ayaa keentay inuu sii taabto Cavani, laakiin kubadii uu ku laalaabatay daafaca Arsenal ayaa dhaaftay OSPINA, laakiin Gibbs ayaa shabaqiisa kasoo celiyey.

Markale PSG ayaa ku sigatay inay shabaqa ka dib markii Cavani iyo Lucas kubad isku dhiib qurux badan la is dhaafsadeen, laakiin Gunners shabaqooda ayaa bad-baaday.

Laakiin daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta ayaa PSG hogaanka ciyaarta qabatay ka dib baas qurux badan oo uu Maxwell u dhex-bixiyey Matuidi ayaa keentay in goosha oo ku taabasho rabtay shabaqa ku riixo Cavani.

Laakiin dhamaadka qaybta hore oo gabagabo ku dhow Arsenal ayaa fursadii ugu horaysay oo ay ku heshay shabaqa PSG ayeey gool u sariftay, Mesut Ozil ayaa baas la yaab leh u dhex bixiyey Ozil kaas oo dhulka dhigay Maxwell oo kubada hore qaladkeeda sameeyey, laakiin 35 sano jirka daafaca ayaa dhulka dhigay Sanchez taas oo keentay in Arsenal rigoore lugu abaalmariyo.

Giroud ayaana usoo istaagay kaas oo gool u sarifay, waxana uu dhinac qaldan u diray goolhayaha PSG, sidaas ayaana qaybta hore lugu kala nastay.
Markii la isku laabtay qaybta dambe Gunners ayaa malaha qaybteeda qaadatay iyadoona daqiiqadihii ugu horaysay kubadda iska haysatay wax badana isku dayday.

Gunners ayaa markii ugu horaysay hogaanka ciyaarta qabatay, daqiiqadii 60-aad ayaa verrati kubad qaldan shabaqiisa ku leexiyey, iyadoona kubadaas si wayn uga soo shaqeeyey wiilasha Wenger, waxyana ciyaarta noqotay 2:1.

Laakiin daqiiqadii 77-aad ee ciyaarta ayaa kooxda martida ee PSG heshay goolkeeda barbaraha, Lucas ayaana madaxa ku dhaliyey kubad koorno ahayd oo uu soo qaaday Ben Arfa, iyadoona kubadda ay kusii dhacday madaxa Iwobi, iyadoona ciyaarta noqotay 2:2.

Intaas ka dib Cavani ayaa markale kulankii labaad fursado waali ah kooxdiisa ka qasaariyey, sadex fursadood oo goolal waadax ah lugu dhalin karay ayuu kooxdiisa ka qasaariyey, iyadoo tii ugu waynayd ula yimid Ospina kaas oo kubadda sida shabeelka ugu booday.

Ugu dambayn ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbaro 2:2 ah, waxayna la micno tahay in Gunners kaalinta labaad usoo dhacday sababtoo ah waxaa la eegayaa sida ay labada isku soo arkeen, kulankii hore maadaama barbaro 1:1 ah kusoo dhamaaday ayaa la micno ah in kulankaan ku dhamaaday 2:2 oo Gunners garoonkeeda labo gool looga dhaliyey, laakiin weli labada kooxood ayaa waxaa u haray min hal kulan.

 

Comments are closed.