Atletico Madrid Oo Guul Raaxo Leh Ka Gaartay PSV, Iyo Atletico Oo Si Rasmi Ah Ugu Soo Baxay Kaalinta Kowaad Ee Groupka D, Halka Bayern Munich Kaalinta Labaad Usoo Dhacday.

1
335

Kooxda Atlketico Madrid ayaa guul raaxo leh ka gaartay kooxda PSV Eindhoven kuwaas oo ay ku cabeen 2:0.

Ka dib markii labada kooxood goolal iska dhalin waayeen qaybtii hore ayaa keentay in lugu kala nasto barbaro 0:0 ah, laakiin kooxda komaandooska Madrid oo waayadaan beerka looga dhacayey ayaa ahaa kuwii fursadaha ugu badan iska qasaariyey.

Daqiiqadii 55-aad ee ciyaarta kooxda Atletico oo minankeeda marti loogu ahaa ayaa soo afjartay ismari waaga ciyaarta, ka dib markii Kevin Gameiro shabaqa ku leexiyey kubad uu caawinteeda lahaa dhiciska yar ee Griezzman.

Atletico Madrid ayaana ciyaarta hurdo u dirtay daqiiqadii 66-aad ee ciyaarta ka dib markii Antoine Griezmann shabaqa u diray goolka labaad ee kooxdiisa ee sadexda dhibcood u sahlay, Tiago ayaana caawinteeda loo qoray.

Atletico Madrid ayaana si rasmi ah kaalinta kowada kaga soo baxday Guruub D, iyagoona 14-aad dhibcood kusoo baxay, waxaana kaalinta labaad kasoo gashay Bayern Munich kuwaas oo leh keliya 9 dhibcood.

 

Comments are closed.