Balaugrana Oo Iska Xaadirisay Wareega 16ka Kooxood Ee Champions Leaque-ga Xili Kooxda Enrique Ay Kaalinta Kowaad Kaga Soo Baxday Group C

3
469

Barcelona ayaa guul muhiim ah ka soo gaadhay kooxda Celtic kulankii shanaad ee heerka Groupyada Champions Leaque, waxaana Balaugrana guushan ka caawiyay Lionel Messi oo laba gool udhaliyay kadib markii uu ka soo laabtay xanuun uu ku seegay kulankii Malaga.

Barcelona ayaa u soo baxday wareega 16 ka kooxood ee Champions Leauqe waxayna sidoo kale xaqiijisatay kaalinta kowaad ee Group C kadib markii ay Manchester City barbaro la soo gashay kooxda M’Glabach. Manchester City ayaan haddii ay guulaysato kulanka danbe aan dhibco ku soo gaadhi karin Barcelona.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

CELTIC (4-2-3-1): Gordon; Lustig, Simunovic, Sviatchenko, Izaguirre; Armstrong, Brown; McGregor, Rogic, Sinclair; Dembele.

KAYDKA:Toure, Bitton, Gamboa, De Vries, Roberts, Forrest, Henderson.

BARCELONA (4-3-3): Ter Stegen; Roberto, Pique, Mascherano, Alba; Rakitic, Busquets, Gomes; Messi, Neymar, Suarez.

KAYDKA: D. Suarez, Turan, Rafinha, Cillessen, Alcacer, Digne, Marlon.

Inkasta oo ay Celtic iska caabin fiican samaysay qaybtii hore ee kulankan haddana Barcelona ayaa ahayd kooxda fursadaha ugu fiican ee ugu badnaa saysay isla markaana natiijada ciyaarta dhinaceeda marisay. Jawiga garoonka Celtic Park ayaa ahaa mid khaas ah isla markaana ay jamaahiirta xamaasada badan ee ree Scoland soo buux dhaafiyeen.

Lionel Messi iyo Lius Suarez ayaa xili horeba helay fursado goolal lagu dhalin karayay laakiin may noqon kuwo laga faa’iideeyay isla markaana natiijada ciyaarta wax ka badalay halka Celtic ay fursado ku abuuraysay weeraro deg deg ah isla markaana Sinclair iyo Dembele ay hogaaminayeen.

DAQIIQADII 24 AAD GOOOOOOOOL! Ugu danbayn Barcelona ayaa dadaalkeeda ka midho dhalisay waxaana gool qurux badan kooxdiisa u saxiixay  Lionel Andrés Messi oo xanuun ku seegay kulankii Malaga wuxuuna goolkan ka dhaliyay xagal ay adag tahay in si sahlan gool looga dhalin karo waxaana sidoo kale ku xeeranaa difaaca Celtic. Messi ayaa isaga oo aan kubbada joojin markiiba dhamaystiray wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Barca hogaanka ciyaarta ku qabtay.

Neymar JR ayaa kubbad cajiib ah ku sameeyay gool caawinta Messi, wuxuuna goolkani ahaa goolkii 8 aad ee uu Lionel Messi ka dhaliyay 4 kulan oo Champions Leaque-ga uu xili ciyaareedkan uga soo muuqday Barcelona. Neymar JR ayaa sameeyay gool caawintiisii 7 aad ee Champions Leaque-ga wuxuuna barbareeyay rekoodhkii gool caawinta Champions leaque-ga ee 2003-04 kii.

DAQIIQADII 36 AAD Celtic ayaa heshay fursadeedii ugu fiicnayd qaybtii hore ee kulankan kadib markii Dembele uu darbo qurux badan ku tuuray goolka Barcelona laakiin goolhaye Ter Stegen oo aan halis badan arkin ayaa si fiican kubbada iskaga joojiyay.

DAQIIQADII 40 AAD Barcelona ayaa u qaadatay in ay heshay goolkeeda labaad wuxuuna Luis Enrique bilaabi gaadhay inuu dabaal dego laakiin waxaa layaab ahayd qaabkii uu goolhaye Gordon ku joojiyo darbo madax cajiib ah oo uu Luis Suarez meel gaaban kaga tuuray goolka Celtic, wuxuuna Gordon sameeyay badbaadin aan la rumaysan karin si uu kooxdiisa halis kale uga ilalaiyo.

Si kastaba ha ahaatee, qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay iyada oo Barcelona 1:0 hogaanka ciyaarta ku haysay isla markaana ay ahayd kooxda fursado badan abuurtay balse difaaca Celtic iyo goolhaye Gordon ayaa awooday in ay goolal kale iska ilaaliyaan.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta tababare Rodgers ayay qabasb ku noqotay in uu shaxdiisa isbadal ku sameeyo kadib markii Scott Sinclair uu dhaawac soo gaadhay dhamaadkii qaybtii hore waxaana lagu soo badalay James Forrest.

Celtic ayaa markii ay soo laabatay heshay laba fursadood oo layaableh oo ay kula iman kartay laba gool iyada oo daqiiqadii 54 aad uu Dembele goolka Barcelona hortiisa uu ku helay fursad ay adag tahay in si sahlan lagu helaan laakiin darbo uu madaxa ku sameeyay ayuu goolhaye Ter Stegen si fiican u akhristay wuxuuna sameeyay badbaadin cajiib ah.

DAQIIQADII 55 AAD REKOODHE! Haddii ay Celtic ka faa’iidaysan wayday laba fursadood oo ay adag tahay in ay si sahlan ku heli kartaa, ayuu Izaguirre kooxdiisa xaalada ku sii xumeeyay kadib markii garsooraha u diiday wax kala doorasho ah isaga oo qalad cadaan ah ku galay Luis Suarez oo xerada ganaaxa Celtic ku jiray, wuxuuna garsooruhu si sahlan u tilmaamay rekoodhe.

DAQIIQADII 56 AAD GOOOOOOOOOL! Lionel Messi ayaa kubbada qaatay wuxuuna markii labaad gaadhay shabaqa kooxda martida loo ahaa ee Celtic si uu kooxdiisa Barcelona hogaanka ugu dheereeyo isla markaana waxa uu kooxda Luis Enrique ka caawiyay in ay ka baxdo culayskii Celtic kaga imanayay.

Tababare Luis Enrique ayaa go’aan ku gaadhay in uu ciyaarta ka saaro labada difaac ee dhaawaca ka soo laabtay ee Jordi Alaba iyo Gerard Pique wuxuuna kaydka uga yeedhay da’yarka kulankiisii ugu horeeyay ee Champions Leaque-ga saftay ee Marlon Santos iyo Lucas Digne. Halka uu Neymar oo kaadhka digniinta ah qaatay isla markaana kulanka M’Glabach seegi doono uu ku soo badalay Arda Turan.

Luis Suarez ayaa iska lumiyay fursado fiican oo uu Barcelona ugu keeni karay goolal kale waxayna Celtic rumaysatay in ayna haysan fursadii ay ciyaarta dib ugu soo laaban laahyd balse kooxda martida ahayd ee Barcelona ayaa wali raadinaysay goolal kale. Daqiiqadii 84 aad Luis Suarez ayaa birta u garaacay Celtic.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:0 ay Barcelona ku soo garaacday kooxda ree Scotland ee Celtic isla markaana ay ugu soo baxday wareega 16 ka kooxood ee Champions Leaque-ga. Barcelona ayaa sidoo kale xaqijisatay kaalinta kowaad ee Group C.

 

Comments are closed.