CR7, Dani Alves Iyo Luis Suarez Oo Hogaaminaya Liiska 10-ka Xidig Ee Dunida Loogu Neceb Yahay, Ayase Kale Oo Liiska Ku Jira?

2
335

Kubadda cagta waqtigaan waxey leedahay ciyaartoy waaweyn oo maqaam sare ka gaaray kuwaas oo waxqabadkooda aad loo amaanno, amaannta ugu badan waxaa helay sanadahii ugu dambeeyay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, balse maanta waxaan idiin soo gudbineynaa ciyaartoy waaweyn oo kasoo muuqday liiska ciyaartoyda loogu neceb yahay dunida.

Naceybka maahan inuu yahay xidig aan la jecleen kubadiisa, xidig aan dilaa ah, balse intooda badan waxey u badan yahiin kuwa lagu neceb ficilo ay sameeyeen ama qaabka dhaqankooda.

 

Liiskaan waxaa kasoo muuqday ciyaartoy uu ka mid yahay Joey Barton oo ah mid ka mid ah ciyaartoyda ugu rabshada badan ee soo mara kubadda cagta England, sidoo kalana Luis Suarez oo dhawr jeer fadeexo kubadeed faraha la galay, hana ka reebin John Terry, Ashley Cole Iyo Patrice Evra oo qudhooda qeyb ka ahaa.

Ashley Cole iyo John Terry oo xilli Chelsea kasoo wada muuqday waxyaabaha lagu nacay ee ugu badan waa cunsuriyad iyo eedeymo kale oo la xiriira dhanka gogol dhaafka taasoo sababtay iney lumiyaan kalsoonida dad badan oo ku nool caalamka.

Sergio Busquets ayaa kasoo muuqday liiskaan kaas oo caan ku ah jiliinka iyo in la indha sarcaadiyo garsoorka sidii uu sameeyay 2010 markii uu casaan u qalqaaliyay Thiago Motta oo ka tirsnaa Inter Milan kulan ka tirsan Champions League wareegiisa Semi Finalka.

Liiska Oo Dhameystiran:

1.  Joey Barton

2. John Terry

3. Luis Suarez

4. Patrice Evra

5. Sergio Busquets

6. Cristiano Ronaldo

7. Ashley Cole

8. Sergio Ramos

9. Dani Alves

10. Ashley Young.

terry

Comments are closed.