{DAAWO MUUQAALKA} Guddi Loo Saaray Xalinta Dagaal Beeledyadii Ka Dhacay Magaalada Baledweyne

0
318

Kulankan oo loo qabtay waxgaradka iyo odayaasha beelo ku dagaalamay dulleedka magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa ka qeyb-galay, Maamulka Gobolka Hiiraan saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Inkasto kulamadan marar badna horay loo qabtay kuwa lamid ah islamarkaana xal lagu gaarin, ayaa maanta loo saaray guddi ka kooban beelaha dega gobolka Hiiraan, kuwaa wixii hadda ka danbeeya looga fadhiyo xal u hellida khilaafka soo noq noqday ee labada beellood u dhaxeeya.