{DAAWO SAWIRADA} Al Shabaab oo soo bandhigtay gaari Tikniko ah iyo Ciidamo katirsan Dowlada oo isku dhiibay

3
354

Kooxda Al Shabaab ayaa Fagaare kuyaala deegaanka Kuunyo Barow ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay kusoo bandhigeen Gaari Nuuca Dagaalka ah iyo labo askari oo katirsanaa Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo isku dhiibay.

Labadan Askari oo ciidanka Milatariga kala baxsaday gaari Cabdi Blle ah uu saarnaa qorayga Dhashiikaha iyo hub kale ayaa la sheegay in ay isku dhiibeen Al Shabaab, waxaana labadan askari iyo hubkii ay wateen lagu soo bandhigay Fagaare dad badan la isugu keenay.

Waxa ay sheegeen askartan Shabaab isku dhiibtay in ay go’aansadeen in ay kasoo baxsadana ciidanka Milatariga ah ayna isku soo dhiibaan Al Shabaab , waxa ayna tilmamaeen in ciidanka dowlada uga soo tageen daruufo kala duwan.

Taliska Milatariga Soomaaliya ayaan wali ka hadlin askartan la sheegay in ay ka goosteen ciidanka xooga Soomaaliyeed , Al Shabaab ayaana sidan oo kale horey ugu soo bandhigtay askar ay sheegtay in dowlada kasoo goosteen .








 

Comments are closed.