{DAAWO SAWIRADA} Ciyaarihii qaboobaha dhalinyarrada Soomaaliyeed oo lagu soo gabagabeeya Atlanta

0
693

Waxaa magaalada Atlanta ee xarunta gobolka Georgia lagu soo gabagabeeyay ciyaarihii qaboobaha oo 24-ka bishaan uga bilowday dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka kala socotay qaar ka mid ah gobolada dalka  Mareykanka.

Ciyaarahaan oo iskugu jiray Kubada Cagta iyo Koleyga, ayaa waxey kala ahaayeen afar qeybood oo mid kasto si gooni ah ay kooxo cayiman ogu tartamayeen.

Kubada Cagta waxey ka koobneyd saddex horyaal oo kala ahaa; Naadiyaashu Dhalinyarada da’doodu ay ka yar tahay 14-jirka oo ay ku tartameen saddex kooxood oo kala matalaayay magaalooyinka Atlanta- Georgia, Minneapolis- Minnesota, iyo Columbus – Ohio. Waxaana ku guuleysatay tartankaas kooxda Jubba ee ka dhisan magaalada koobkaan marti galisay ee Atlanta. 

Qeybta labaad:- Kooxaha Dhalinyaradda ka yar 18-ka, waxaa ku tartamay labo naadi oo ka kala socday Georgia iyo Tennessee, waxaana ku guuleystay kooxdii ka socotay magaaladda Nashville ee gobolka Tennessee.

Balse tartankii ugu adkaa ee Kubada Cagta, wuxuu dhex maray Xiddigaha waa weyn ee ka kala socday gobolada Washington DC, Minnesota, North Carolina, Ohio, Tennessee iyo Georgia. Waxaana ku guuleystay Koobkaas, xulka Washington DC, halka kaalinta labaadna ay gashay Minnesota. 

Dhanka kale ciyaartooydii hore ee Basketball-ka Somalia oo iyagana ka kala yimid gobolo kala duwan oo Mareykanka ah iyo Canada. Iskuna qeybiyay labo kooxood,  ayaa xalay soo bandhigay ciyaar la jecleystay.

Xog’hayaha Guddiga Ciyaaraha iyo Dhaqanka ahna Tababaraha kooxda Jubba ee ka dhisan magaalada Atlanta, Cabdiqaadir Xasan Faarax oo lagu naaneyso (Caydiid Jeenyo). Kana mid ahaa laacibiintii Kooxdii Jeenyo, ayaa sheegay iney si wanaagsan ogu dhamaadeen ciyaarihii ka socday gobolkaan.

Caydiid Jeenyo, ayaa dhanka kale ku bogaadiyay kooxihii ka qeyb galay tartankaas iney sii wadaan dadaalkooda . wuxuuna oga mahad-celiyay kooxda uu layliyo guushii ay gaartay

Xubno ka tirsan guddigooda oo ay ka mid yihiin Jaamaceey oo bari-samaadkii u ciyaari jiray kooxdii Minishiibiyadda Muqdisho. Cabdiqani Abuu oo ah Macallin ku xigeenka kooxda Jubba ee Atlanta, Maxamed Dhaaleey iyo C/rashiid Dheere, ayuu si gaar ah ugu mahad celiyay Xog’hayuhu.

Ciyaarahaan lagu soo gaba-gabeeyay magaaladda Atlanta, ayaa intii ay socdeen waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiyo wadanka Mareykanka Amb. Axmed Ciise Cawad. Tababarihii hore ee xulka qaranka Soomaaliyeed Maxamed Xaaji Giftin, laacibiintii hore ee Kubada Koleyga oo ay ka mid ahaayeen; Cabdi Xalwo, Abuukar Axmed Maxamed (Abuukar Shiino) C/qaadir Xaaji Daahir (Shiikha) Madaxeey iyo Maxamuud Ciise.

Dhanka Ciyaartooydii hore ee Gabdhaha kubada Koleyga Soomaaliyeed, ayaa waxaa ka mid ahaa xubnihii goob jooga ka ahaa ciyaarahaan; Qaynuun, Mulki iyo Ayaan oo u kala ciyaari jiray kooxihii  Kubada koleyga gabdhaha ee Wakaaladda Ganacsiga Ummadda. Horseed, LLPP Jeenyo iyo gabadha uu dhalay madaxweynihii hore ee Somalia Deeqo Maxamed Siyaad Barre oo u ciyaari jirtay Kooxda Kubada Koleyga Gabdhaha ee Wakaaladda Ganacsiga Ummadda.

Ugu danbeyn markii la soo gunaanaday ciyaarahaan, ayaa Xaflad ay boqolaal qof ka qeyb galeen waxaa loo qabtay kooxihii kala duwanaa. Waxaana hadal dheer ka jeediyay xafladaas Danjire Axmed Ciise Cawad oo tilmaamay muhiimada isboortigu uu u leeyahay is-dhex-galka Bulshada.

ciyaaro-1 ciyaaro-2 ciyaaro-3 ciyaaro-4 ciyaaro-5 ciyaaro-6 ciyaaro-7 ciyaaro-8 ciyaaro-9 ciyaaro-10 ciyaaro-11 ciyaaro-12 ciyaaro-13 ciyaaro-14