{DAAWO SAWIRADA} Cunsuri dilay Gabar Xildhibaanad aheed oo Xukun adag lagu riday

2
273

Maxkamad kutaala dalka Britain ayaa xukun adag ku riday nin cunsuri ah oo lagu helay in uu ka dambeeyay dil loo geestay Xildhibaanad katirsaneed Baarlamaanka Britain oo lagu magacaabi jiray Jo Cox.

Ninkan Cunsiriga ah oo lagu magacaabo Thomas Mair ayaa lagu helay in uu dilay Xildhibaanada oo katirsaneed Xisbiga Shaqaalaha xiliii lagu jiray ololahii ay Britain uga baxeysay Midowga Yurub, dilkan ayaana dhacay bishii June ee sanadkan.

Maxkamada ayaa ku xukuntay Ninka dilka lagu helay xabsi daa’in , waxaana maxkamada lagu soo bandhigay cadeymo muujinayay in uu ninkan dilka ka dambeeyay sidoo kale waxyaabo kale uu muujinayay astaamaha cunsuriyada.

Garsooramaha Maxkamada ayaana dilka uu geestay cunsurigan ku sifeeyay weerar argagaxiso, waxa uuna u diiday dambiilaha in uu siiyo fursad labaad uu codsaday oo aheed in Maxakamada uu hadal ka jeediyo.






 

Comments are closed.