{DAAWO SAWIRADA} Gudi Loo Saaray Dagaaladii Ka Dhacay Degaano Hosyimada B.weyne Kadib Kulan Maanta La Qabtay

1
355

Kulankan oo loo qabtay waxgaradka iyo odayaasha beelo ku dagaalamay dulleedka magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa ka qeyb-galay, Maamulka Gobolka Hiiraan saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Inkasto kulamadan marar badna horay loo qabtay kuwa lamid ah islamarkaana xal lagu gaarin, ayaa maanta loo saaray guddi ka kooban beelaha dega gobolka Hiiraan, kuwaa wixii hadda ka danbeeya looga fadhiyo xal u hellida khilaafka soo noq noqday ee labada beellood u dhaxeeya.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Cali Jeynte Cismaan oo ka hadlay  kulanka ka jeediyay ayaa ugu baaqay Wax-garadka labada dhinac inay nabad-galyada qaataan, kana fogaadaan wax kasta oo sababi kara dagaal iyo in colaadu sii fogaato.

Dagaalo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maalin ka hor ku dhex-maray miyiga galbeedka ee gobolka Hiiraan Maleeshiyaad ka soo kala jeedda labada beellood, iyadoo sidoo kalana ay dhaceen dilal ku saleysan aargoosi qabiil  oo lagula kacay dad rayid ah.

Odayaal iyo Wax-garad u hadlay labada beellood ayaa dhinac walba ballan-qaaday in ay adkeynayaan Nabadda, ayna dyaarna u yihiin xal u helida khilaafka oo ah mid muddo dheer soo jirray.

kulan-1 kulan-2 kulan-3 kulan-4 kulan-5 kulan-6 kulan-7 kulan-8

Comments are closed.