{DAAWO SAWIRADA} Kulan looga arinsanayay Xaqiijinta Goobaha Doorashooyinka oo ka dhacay Muqdisho

3
263

Waxaa xalay xarunta Dowlada Hoose ee Xamar ka dhacay kulan saacado badan qaatay oo looga arinsanayay xaqiijinta amaanka goobaha lagu wado in ay dhacaan Doorashooyinka Aqalka Hoose iyo midka sare ee Beelaha Gobolada Waqooyi iyo kuwa Banaadiriga.

Kulanka waxaa kasoo qeyb galay Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Taliye kuxigeenka NISA, Saraakiil ciidan, Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Sida aan Wararka heleyno kulanka oo saacado badan qaatay ayaa ka qeyb galayaasha waxa ay is dhaafsadeen aragtiyo kala duwan oo ku aadan xaqiijinta amaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka iyo in sare loo qaado amaanka guud ahaan Caasimada.

Xarunta Gaadiidka booliiska ee degmada Cabdicasiis ayaa lagu wadaa in lagu qabto Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee Beelaha Banaadiriga iyo sidoo kale doorashada xubnaha Aqalka sare ee Beelaha dega gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.

Ciidamada amaanka ayaana adkeeyay amaanka agagaaraha xarunta lagu qabanayo doorashooinka, waxa ayna Ciidamada gabi ahaan xireen wadooyinka soo gala xerada Gaadiidka booliiska, waxaana gaadiidka dadweynaha loo diiday in ay isticmaalaan aagaasi.









 

Comments are closed.