{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Putin oo dhalashada Ruushka siiyay Jilaa Caan ah oo u dhashay…

3
350

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa dhalashada dalkiisa waxa uu gudoonsiiyay Jilaaga caanka ah ee u dhashay dalka Mareykanka ee Steven Seagal kadib kulan ka dhacay Magaalada Moskow ee caasimada Ruushka.

Aktarka Caanka ah ee laga dabadhacay filimaan badan uu hrey u jilay Seagal ayaa horey Dowlada Ruushka uga codsaday dhalashada dalkaasi, waxaana ugu Dambeyn Madaxweynaha Ruushka uu soo dhaweyn u sameeyay aktrakan kuna wareejiyay Paasaboorka Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in tilaabadan uu dhalashada Ruushka ku siiyay Aktarka u dhashay dalka Mareykanka ay tahay arin wanagasan, waxa uuna tilmaamay in uu rajeenayo in xariirkii wanaagsanaa ee ka dhaxeeyay Ruushka iyo Mareykanka uu soo laabto.

Steven Seagal ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Madaxweynaha Ruushka Baasaboorka uu siiyay, waxa uuna tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu joogo dalka Ruushka uuna qaato dhalashada Dlakaasi .



Comments are closed.