{DAAWO SAWIRADA}WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA OO DEEQ XOOLO AH GAARSIIYAY CIIDAMADA BOOLIISKA

4
286

Wasiirka Wasaradda Arrimaha Gudaha Dowlada Federalka Soomaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa maanta booqday dugsiga tababarka ciidamada General Kaahiye ee magaalada Muqdisho isagoo gaarsiiyay deeq xoolo ah ciidamada ku jirta xaruntaas.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed General Maxamed Shiikh Xasan Xaamud oo wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo xubnihii la socday ku soo dhoweeyay dugsiga tababarka ciidamada Booliska ayaa warbixin ka siiyay xaalada ciidamada ku jira dugsigaas iyo guud ahaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Intii uu halkaa ku sugnaa Wasiirka ayaa waxaa uu aad  u jecleystey qaabka ay isula shaqeeyaan ciidamada Booliska iyo dhalinyarada ku soo biiraysa maalinba maalinta ka dambaysa, waxaana halkaas heeso wadani ah ka qaaday hobalada fanka ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Khudbad uu u jeediyay Wasiirka ciidamada Booliska ee ku sugnaa Dugsiga General Kaahiye oo ah dugsi qadiimi ah ayaa waxa uu ku ammaanay ciidamada sida ay marwalba heegana ugu yihiin inay badbaadiyaan shacabkooda Soomaaliyeed.

“Runtii waa wax lagu farxo ciidamada sidan u quruxda badan leh ee dhalinyaro rag iyo dumar isugu jira heegana u ah in ay ummadooda u shaqeeyaan, waxaan idinkugu hambalyeynayaa dadaalkiina iyo rabitaankiina wadaninimo.”ayuu yiri Wasiir Odowaa.

Ugu dambayantii Wasiirka  Arrimaha Gudahaayaa ugu baaqay ciidanka in ay sii xojiyaan dhowrista ammaanka dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho oo dhawaan ay ka dhacayso Doorshada Madaxtinimada Dalka.

Wasiirka ayaa ku wareejiyay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed xoolo nool oo loogu talogalay ciidamada ku jira dugsiga General Kaahiye.

Taliyaha ciidamada Booliska General Xaamud ayaa ugaga mahadceliyay deeqda uu soo gaarsiiyay wasiirka Arrimaha Gudaha ciidamada Booliska.

odowaa-7

 

 

odowaa-1

odowaa-2

odowaa-3

odowaa-4

odowaa-5

odowaa-6

Comments are closed.