DEG-DEG Qarax Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

0
215

Wararka inaga soo gaarayaIsgoyska Maana-boolyo ee Degmada Shibis ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax khasaare geystay.

Qaraxan ayaa la sheegay in lagu soo xiray Gaari nuuca raaxada ah, oo uu watay nin Askari ah, oo la shaqeynayay Imaaraadka carabta,waxaana ku dhaawacantay 2 Qof, oo mid ka mid ah uu ahaa Askarigii Gaariga watay.

Dad Goob joogayaal ah ayaa warbaahinta  u sheegay in wadihii Gaariga uu dhaawac daran ka soo gaaray qeybta hoose ee jirkiisa, waxaana loo qaaday Isbitaalka

Ciidanka Amaanka iyo Maamulka Degmada ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen

WAXII WARAR AH GOORDHOW KALA SOCO HIIRAANWEYN