DHAGEYSO: Faahfaahin howgal Kaduwan Kuwii Horre Oo xalay laga Sameyay Magalada Muqdisho

1
304

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa xalay howgal ka sameeyay degmooyin kala ah Deyniile,Hurwaa iyo Yaaqshid, waxaana howgalkaasi lagu baaraayay gaadiidka sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad suggida Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaarada Amniga dowladda Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howgalka lagu xaqiijinaayay ammaanka degmooyinkaasi ,madam ay jiraan xogo kala duwan oo dadka shacabka ah ay u soo gudbinayaan laamaha amniga dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in goobahaasi ay ku tuhmaayan in ay joogaan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo doonaaya in ay weeraraan xarumaha dowladda.

Cabdikaamil Macalin Shukri Afhayeenka Wasaarada Amniga ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan howgallada ay wadaan Magaalada Muqdisho , si looga hortago weerarada ay geysanayaan Al-Shabaab.

Magaalada Muqdisho maalmihii u dambeeyay waxaa ka dhacayay dilal iyo qaraxyo lala beegsanayay Mas’uuliyiinta Dowladda iyo dad shacab ah, kuwaas inta badn Mas’uuliyadooda ay sheegtaan Shabaab.

Comments are closed.