{DHAGEYSO} Garyaqaanka Dowladda oo ka horyimid lacagta laga qaado shacabka Muqdisho

0
316

Garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya Cismaan Cilmi Guuleed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir looga baahan yahay in aysan lacag sharci daro ah aysan ka qaadin gaadiidleyda Muqdisho.

Garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya Cismaan Cilmi Guuleed ayaa sidoo kale sheegay in ay hayaan xog ku aadan in dadka kunool gobolka Banaadir laga qaado lacago badan oo sharci daro ah.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in lacagta guryaha laga qaado  aysan aheyn mid sax ah , sidaas darteedna gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir looga baahan yahay in aysan qaadin Canshuur aysan ogeyn Wasaarada Maaliyadda Soomaaliya .

Gudoomiyeyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir ayuu ku eedeeyay in lacago sharci daro ah  in ay ka qaadaan shacabka