{DHAGEYSO} Gudiga Doorashoyinka Galmudug Oo Beniyaya Warar ay Baahisay Warbaahinta Dalka

2
268

Xili dhawaan Warbaahinta ay baahinayeen Warqad la sheegay in Dowladda Mareykanka ay u dirtay Galmudug islamarkaana ay ku sheegtay Kuraasta qaar in la Musuq Maasuqay oo Sifo aan Sharci aheyn ay ku soo baxeen Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad iyo Maxamuud Gaafow ayaa Warkaas waxaa beeniyay Guddiga Doorashada dadban ee Maamulka Galmudug.

Afhayeenka Guddiga Doorashada dadban ee Galmudug Yuusuf Diiriye ayaa sheegay in warkaasi uu yahay been aan sal iyo raad laheyn islamarkaana ay Muwaadiniintaas ku soo baxeen si Sharci ah oo Waafaqsan Nidaamka u degsan Doorashada.

“Waxaan u sheegeynaa dadka warkaas wada in aysan jirin Kuraas dib loogu laabanayo in mar kale la doorto,waayo Doorashadu waa mid ku dhacday si hufan oo Xalaal ah,Doorashadana waxaa leh Soomaaliya si Caddaalad ay ku dheehan tahayna wey ku dhacday”ayuu yiri Afhayeenka Guddiga Doorashada Galmudug.

Halkan Hoose Ka Dhageyso:-

Comments are closed.