DHAGEYSO: “Gudomiyaha Gobolka Hiiraan:-Beeshii Dagaal dambe ka bilowdo Gobolka Tallaabo Sharci ah ayaa ka qaadaneynaa”

3
330

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay la socdaan dadka hurinaya colaaada u dhaxeysa beelaha wada dega gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo Shacabka Gobolka isla markaana ay tallaabo sharci ah ka qaadayaan cidii dagaal ka bilowdo Magaalada Baladweyne.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka beelihii ku dagaalamay gobolka Hiiraan in ay dhaqan geliyaan Xabad joojinta loogu dhawaaqay gobolkaasi gaar ahaan deegaanadii lagu dagaalamay.

Waxa uu sheegay in aysan aqbali doonin in lagu kor dagaalamo shacabka gobolka Hiiraan, isla markaana ay talaabo ka qaadayaan.

HALKAN KA DHAGEYSO 

 

Comments are closed.