DHAGEYSO: Hanti-dhowraha Qaranka oo ka hadlay musuqa ka jira Doorashada

2
276

anti-dhowraha Guud ee Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya Nuur Jimcaale Faarax ayaa sheegay Beesha Caalamka in ay u gudbiyeen Musuq maasuqa ka jira Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose.

Dr. Nuur Jimcaale Faarax Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay musuq maasuqa Doorashada Soomaaliya ka jira in ay hormuud u yihiin Madaxda Dowladda Federaalka.

Waxa u sheegay in ay rajeynayaan in arrrintan ay si deg deg ah wax uga qabtaan Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Caalamiga ah.

Beesha Caalamka iyo ururada bulshada rayidka ayaa horey walaac uga muujiyay Doorashada Soomaaliya in uu ka jiro musuq maasuq baahasan iyo wax is daba marin.

Comments are closed.