{DHAGEYSO} Madaxweynaha Puntland Oo Farii Adag U Diray Shacabka Reer Puntland Kadib Markii Ay Dhacday….

0
306

Madaxweynaha Maamulka Puntland C.wali Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Maamulkaasi ugu baaqay in ay u istaagaan kaalmeynta iyo u gurmashada dadka ay Abaaruhu saameeyeen.

C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay Maamul ahaan iyo shacab ahaan reer Puntland looga baahan yahay wax u qabashada dadka ay saameeyeen Abaaraha Dalka ka jira.

Madaxweynah ayaa sheegay Maamul ahaan hada in ay u istaageen gar gaar dhankooda ah in ay sameeyaan, laakiin shacabka looga baahan yahay in ay qeyb ka qaataan kaalmeynta walaalahooda.

Degaanada Maamulka Puntland ayaa Abaaraha ka jira waxa ay sababtay in dadka shacabka ah ay iskooda u istaagaan, si wax loogu qabto dadka kale ee ay Abaaraha saameeyeen.

Halkan Hoose Ka Dhageyso:-