{DHAGEYSO} Madaxweyne C.Kariin Guuled Oo Lagu Edeyay Inuu Faragilin Ku Hayo Doorashada Cadaado

2
286

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xusen Guuled ayaa lagu eedeeyay in uu fara gelin siyaasaded ku hayo Doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug.

Waxgaradka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Degaanada Maamulka Galmudug oo kulan yeeshay ayaa waxa ay Madaxweynaha Maamulka Galmudug ku eedeeyeen in uu fara gelin ku haayo Doorashada Aqalka Hoose.

Siyaasi C/qaadir Qooreey oo ka mid ah siyaasyiinta ka soo jeeda Degnaada Galmudug ayaa Madaxweyne  C/kariin Xuseen Guuleed ku eedeeyay in fara gelin uu ku haayo Salaadiinta iyo Ergada soo dooraneysa xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaaneysa Degaanada Galmudug.

Beesha Caalamka ayaa dhawaan walaac ka muujisay Doorashada Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in hanjabaad, caga jugleyn iyo fara gelin toos ah lagu haayo Ergada iyo xubnaha ku lugta leh Doorashada Soomaaliya.

Halkan Hoose Ka Dhageyso:-

Comments are closed.