{DHAGEYSO} Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Shuruucda Doorashoyinka Dalka Kadib Markii…

2
219

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in la jabiyo Shuruucda u dagsan Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Musharax walbo looga baahan yahay in uu ilaaliyo shuruucda u dagsan Doorashooyinka Aqalka Hoose islamarkaana aan laga aqbali doonin in la carqaladeeyo Doorashooyinka Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Madaxweynaha ayaa Hogaamiyeyaasha Maamul goboleedyada Dalka ugu baaqay iney ilaaliyaan nidaamka Doorashada, sidoo kalena ay ka taxadaraan in ay Cadaalad daro ku sameeyaan Muwaadiniinta u tartameysa ka mid noqoashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

Waxaa Magaalooyin ka mid ah gobolada Dalka Soomaaliya ka socda Doorashooyinka Xubnaha Aqalka Hoose, Waxaana siyaasiyiinta qaar ay soo bandhigayaan cabashooyin ku aadan in aan sidii saxda ahayd wax loo wadin oo ay jiraan Faragelin ay sameynayaan Madaxda Dowladda.

Musharaxiinta qaar ayaa iyaguna lagu eedeynayo iney sameeyeen arrimo ka baxsan anshaxa iyo Xeerka u dagsan Doorashooyinka Dalka.

Halkan Hoose Ka Dhageyso:-

Comments are closed.