{DHAGEYSO} Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Deeqo Waxbarasho Ee Loogu Deeqay

1
278

Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in sanadkaan ay ku raja weyn tahay in ardayda Soomaaliyeed ay helaan deeqo waxbarasho oo kala duwan .

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada dowladda Soomaaliya Cabdiqaadir Cali Xaashi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ku dhawaad 7 dowladood ay Soomaaliya u balan qaadeen in ay siinayaan deeqo Waxbarasho.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan dowlahaasi ay ka heystaan balan qaadyo ,islamarkaana dhawaan ay lasoo geli doonaan heshiisyo rasmi ah.

Wasaarada waxbarashada Soomaaliyeed ayaa sanadyadii lasoo dhaafay waday horumo kala duwan oo ay ku doonayso in ay ardayda Soomaaliyeed ay ku siiso deeqo waxbarasho oo dalka dibadiisa ah.

Halkan Hoose Ka Dhageyso:-

Comments are closed.