Doorashada Aqalka Hoose Oo Dib Kaga Bilaabatay Magaalada Garoowe

2
282

Magaalada Garoowe waxa dib uga bilowday  doorashada Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay hakad ku jirtay ka dib markii ay dhaceen khilaaf ku aadan dhanka beelaha u tartamaaya kuraasta iyo wali dhaqaalo xumo soo wajahday guddiga doorashooyinka.

Ammaanka magaalada ayaa  aad loo adkeeyay  ,waxaana  ciidamo  la geeyay  xarunta  doorashada iyo goobaha kale ee ku dhow.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntland Khaliif aw Cali oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in maanta Magaalada Garoowe lagu dooran doono ilaa iyo saddex kursi .

Comments are closed.