Doorashadii Aqalka Hoose Ee ka Socotay Kismaayo oo lasoo Gabo Gabeeyay iyo Xildhibaankii Ugu Dambeeyay oo

1
269

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in halkaasi maanta lagu soo gabo gabeeyay doorashadii Aqalka hoose ee ka socotay maalmihii lasoo dhaafay magaaladaasi.

Waxaa maanta magaalada Kismaayo lagu soo doortay Xildhibaankii ugu dambeeyay ee aqalka hoose ku matalaya Deegaanada Jubbaland, waxaana ku guulestay doorashadii maanta ka dhacday Kismaayo Xildhibaan Ibraahim Maxamed Xuseen.

Magaalada Kismaayo ayaa lagu doortay 43 Xildhibaan oo maamulka Jubbaland ku matalaya aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka, Xildhibaanada la doortay ayaana isgu jira kuwa horey uga mid ahaa Baarlamaankii hore iyo kuwa cusub.

Waxaa wali magaalooyinka Garawe, Baydhabo, Cadaado iyo Jowjar ka socota doorahada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana la filayaa in dhawaan lasoo gabo gabeeyo doorashada ka socota magaalooyinkaasi.

Comments are closed.