Doorashadii Aqalka Hoose Ee Maanta Ka Dhacday Garoowe Oo Lagu Doortay Sadax Xildhibaan

2
342

Doorashadii Aqalka Hoose ee ka socotay Magaalada Garowe ee dowl-goboleedka Puntland ayaa maanta loo tartamay ilaa saddex kursi.

Doorashada maanta oo ku dhacday sidii loogu talo galay ayaa Xildhibaanadii ku soo baxay waxa ay kala ahaayeen Daa’uud Maxamed Cumar, Fersal Cabdulle Guuleed iyo Cabdi Maxamuud Maxamed.

Kuraasta ilaa iyo hadda laga soo doortay Puntland ayaa Doorashada xildhibaanada maanta soo baxay waxay ka dhigaysaa 22 Mudane, iyadoo tirada guud Kuraasta Puntland laga rabo ay tahay 37-kursi.

Comments are closed.