Dowlada Colombia iyo falaagad FARC oo saxiixday heshiis horleh

0
197

Dowlada Colombia ayaa aqalka barlamanka ee dalkaasi u gudbisay heshiis cusub oo ay dhawaan la gashay falaagada FARC.

Xubnaha barlamanka dalkaasi Colombia ayaa todobadka dambe la filayaa in ay ka doodan heshiiskan. Heshiska oo dib uegis badan lagu sameeyay ayaa lagu saxiixay Magaalada Bogotia malintii khamista , waxaana qalinka ku duugay Madaxweynaha dalkaasi Juan Manuel Santos iyo hogaamiyaha falaagada FARC Timochenko.

Heshiiskii kan ka horeeyey ayay shacabka dalkaasi ku diiden afti qaran.

Tallabadaasina waxaa walaac ka muujiyay mucaaradka dalka oo iyagu ku edeeyay Madaxweyne Santoos inuu ka tallaabsaday go’aanka shacabka .