Faah Faahin Dheraad ah Oo Ka Sobaxeyso Dagaal Manta Ka dhacay Magalada Baladweyne

1
296

Dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed ayaa goor dhaw ka qarxay deegaan 6km dhinac galbeed uga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Rasaasta  ay adeegsanayaan dhinacyada iska soo horjeeda ayaa laga maqlayaa xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne, waxaana dad ku dhaawacmay dagaalka qaarkood la soo gaarsiiyay goobaha caafimaadka.

Dagaalkan ayaa daba socda dagaallo labo cisho ka hor beellahan ku dhaxmaray deegaannada fog ee miyiga gobolka Hiiraan, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhawaac.

Waxgaradka iyo odayaasha labada beellood ayaa maalin ka hor magaalada Beledweyne uga qeyb-gallay kulan dib-u-hishiisiin ah oo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidammada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM, iyadoo dhinac walba uu ballan-qaaday in ay adkeynayaan hishiiska xabad joojinta ah ee la gaaray.

Dadka rayidka ah ayaa baqdin weyn ka muujinaya in dagaalladan marka danbe saameyn ku yeeshaan magaalada, gaar ahaan xaafadda Howl-wadaag, inkastoo saraakiisha AMISOM dignin ka soo saareen dagaal ka dhaca gudaha magaalada.

 

Comments are closed.