Faahfaahin kasoo baxeyso weerar lagu qaaday saldhiga Alshabaab ee deegaanka Tooratoorow

4
233

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ciidamo ajaaniib iyo Soomaali ka fuliyeen saldhiga ciidamada Alshabaab ee deegaanta Tooratoorow oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkaasi oo dhacay xalay ayaa waxaa ka qeyb qaatay ciidamo ajaaniib ah oo ilaa iyo hadda aan la ogaan waddanka ay kasoo jeedaan.

Ciidamada Mareykanka ayaa marar badan weerar ka fuliyay deegaankaasi oo Alshabaab saldhig ku leeyihiin.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo ajaaniib ah oo watay diyaarad helicopter ah iney ku dageen duleedka deegaanka, kadibna dagaal  uu ka dhacay deegaanka oo ciidamo Alshabaab ah ku sugan yihiin.

Al-shabaab ayaa dhankooda waxay sheegeen iney fashiliyeen weerarka qorsheysan oo ciidamada ajaaniibta ku qaadeen deegaanka Tooratoorow.

Sidoo kale Alshabaab ayaa sheegay in weerar qaraxyo ah ku fashiliyeen qorshaha ciidamada ajaaniibta ka lahaayeen deegaanka.

Lama oga khasaaraha ka  dhashay weerarka ka dhacay deegaanka Tooratoorow.

Comments are closed.