Gaadiidleyda Muqdisho oo saakay Shaqo joojin sameeyay iyo Sababta ka dambeysa oo la ogaaday

0
340
?????????????

Gaadiidka BL-ka ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho ayaa saakay sameeyay shaqo joojin, waxa ayna qeybo kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ka dhigayaaan banaan bax ay ku muujinayaan cabashadooda.

Sida aan Wararka ku heleyno Gaadiidleyda ayaa ka cabanaya amar kasoo baxay Wasaarada Gaadiidka Dowlada Soomaaliya oo ku amartay in ay galaan Ceymis ayna iska bixiyaan lacagaha ceymiska ee laga doonayo.

Qaar kamid ah Gaadiidleyda oo ka hadlay banaan baxa ee dhigayaan iyo shaqo joojinta saameynta yeelaay ay sameeyeen ayaa sheegay in aysan awoodin lacagaha Ceymiska ee laga doonayo horena ay ugu adkeed lacagaha canshuuraha ee laga qaado gaadiidka.

Madaxda Dowlada Soomaaliya ayey ugu baaqeyn in lasoo faragaliyo cabashadooda lagana dhaafo lacagaha qasabka ah ee looga doonayo in ay ceymiska ku galaan, waxa ayna tilmaameyn in aysan awoodin in ay isku bixiyaan lacagaha canshuuraha iyo mida ceymiska.

Shirkad Ceymis oo lagu magacaabo Takaful ayaa kula hesiisay Dowlada Soomaaliya in Ceymis qaab ah la galiyo gaadiidka magaalada Muqdisho, si gaadiidkaasi loogu raacdo marka ay shil galaan ama dhibaato kale geestaan.

Gaadiid