Gerard Piqué Oo Ku Guuleystay Xiddiga Sanadka Catalan, Kana Farxiyay Jamaahiirta Barcelona Ka Hor Kulanka El-Clasico

1
326

Daafaca waaya aragga ah ee kooxda Barcelona Gerard Piqué ayaa balan qaaday inuu diyaar u yahay kulanka ay kooxdiisa sabtida la ciyaari doonto Real Madrid inkastoo uu xanuun ku ciyaaray kulankii Real Sociedad kadib markii qeybta h–e ciyaarta ay jugi kasoo gaartay canqawga.

29-jirkaan reer Spain ayaa ka qeyb galay xafladda sanadlaha ee ay qabtaan xiriirka kubadda cagta Catalan isagoo niyadda u dajiyay Jamaahiirta Barcelona sidoo kalana ka hadlay saameynta kulanka El-Clasico iyo natiijada aan u wanaagsaneen kooxdooda.

pique

“Ha walwalina waan ciyaari doonaa Sabtida” ayuu yiri Gerard Piqué.

Si kastaba Gerard Piqué ayaa lagu abaalmariyay xiddiga sanadka Catalan, waxaana xafladda ku wehliyay qoyskiisa oo ay ugu horeyso saaxiibtiis Shakira.

Inkastoo ay jiraan dhibaatooyin dhaawac oo kooxda hareeyay iyo ciyaartoy badan oo seegay tababarkii shalay ee kooxda oo uu ka mid yahay Lionel Messi hadana Gerard Piqué ayaa ku kalsoon in Barcelona wax fiican sameyn doonto.

Ugu dambeyntiina Gerard Piqué ayaa qiray iney wajigabax noqon doonto hadii ay Real Madrid kala kulmaan guuldaro taasoo dili karta rajada ay ka leeyahiin xagaagan Horyaalka La Liga difaacashadiisa.

Comments are closed.