Hay’adda Socdaalka oo sheegtay in dib ay u fureyso Xarumihii Hay’addu ay ku la heyd Xaduudaha Dalka

1
302

Muddo 26 sano ka dib ayaa Hay.adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya waxay howlgalineysaa Xarumihii xafisyaa Socdaalka uu ku lahaa dalka si loola socdo dhaqdhaqaaqa xaduudaha soo galid iyo ka bixid

Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/Sare Koofi ayaa tababar u furay shaqaale loogu talagalay in ay ka howlgalaan xarumaha Hay’adda ee Xaduudaha dalka

Shaqalahan tababarka loo furay ayaa waxaa ay si buuxda uga howlgali doonaan Xafiisyada Socdaalka ee Xaduudaha iyagoo kontorooli doona dhaqdhaqaaqa xaduuda iyo la socda ajaanibta dalka ka soo galaya dhanka xaduuda

Dhawaan ayaa saraakiil ka socotay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxa ay rageen qaar ka mid ah Xaduudaha dalka si ay u soo arkaan xalada ka jirta Xaduuda waxayna dib ugu soo labteen Muqdisho

Comments are closed.