Jose Mourinho Oo Casaan La Siiyay Mar Kale Ka Dib Markii Uu Carro Darteed Laaday Caag Biyo Ah.

1
337

Jose Mourinho ayaa mar kale ciyaarta ka soo daawanaya taribuunka ka dib markii casaan la siiyay intii uu socday kulanka Manchester United iyo West Ham.

Tababaraha reer Portugal ayaa ka xanaaqay markii Paul Pogba jaale lagu siiyay inuu istuuray iyadoo Mourinho uu u arkay dhacdadaas in qalad lagu galay xiddigiisa ugu qaalisan.

Waxaana ay taasi keentay in Mourinho uu ku qeyliyo garsooraha afaraad islamarkaana carro darteed uu laado caag biyo ah isagoo xitaa ka soo baxay xariiqdiisa kursiga keydka.

Istuurkii Uu Pogba Jaalaha Ku Qaatay:

Lama garanayo wixii uu ku yiri garsooraha afaraad laakiin garsooraha ciyaarta Jonathan Moss ayaa ugu tagay Mourinho booskiisa isagoo ku amray inuu taribuunka koro oo uu halkaas ka soo daawado ciyaarta.

Jaalaha uu qaatay Pogba ayaa ka dhigan inuu ganaax ku seegi doono kulanka habeenka Arbacada ee EFL Cup ee ay la ciyaarayaan isla kooxda West Ham.

Mourinho waxaa sidoo kale casaan la siiyay intii uu socday kulankii barbaraha goolal la’aanta ay la galeen Burnely bishii October, halka garsoore Moss uu sidoo kale casaan siiyay kulankii Chelsea iyo West Ham ee xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

 

Comments are closed.