Ka Hor Kulanka Champions Leaque-ga Ee Celtic Vs Barcelona, Brendan Rodgers Oo Aaminsan In Luis Suarez Uu U Qalmo Abaal Marinta Ballon d’Orka Iyo Rodgers Oo Si Wayn U Amaanay Lionel Messi

3
406

Tababarihii hore ee kooxda Liverpool isla markaana hadda maamulka kooxda Celtic ee Brendan Rodgers ayaa ka hor kulanka Barcelona sheegay in Luis Suarez uu u qalmo abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican ee Ballon d’orka. Rodgers oo Suarez kula soo shaqeeyay Anfield ayaa ku dooday in marka la fiiriyo qaab ciyaareedkii Suarez ee xili ciyaareedkii hore in aanu jirin ciyaartoy uga xaqle in uu ku guulaysto Ballon d’Orka.

Brendan Rodgers believes Luis Suarez deserves to win the Ballon d'Or

Luis Suarez ayaa xili ciyaareedkii hore soo badhigay qaab ciyaareed layaableh kadib markii uu 59 gool ku dhaliyay 53 kulan isla markaana uu Barcelona ka caawiyay in ay koobka La Ligaha ku guulaysto sanadkii labaad oo xidhiidh ah. Suarez ayaa Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo muddo dheer kadib ku garaacay gool dhalinta La Ligaha iyo kabta dahabka ah ee Yurub. Suarez ayaa ku jira liiska ciyartoyda u sharaxan abaal marinta Ballon d’orka 2016.

Suarez is one of the favourites to win the award along with team-mates Neymar and Lionel Messi and Real Madrid forward Cristiano Ronaldo

 

Brendan Rodgers oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka Barcelona ayaa si gaar ah u soo qaatay Luis Suarez iyo xaqa uu u leeyahay Ballon d’Orka wuxuuna yidhi: “Haddii aad ka hadlaysaan Ballon d’Orka iyo sanadkii hore, kadib waxaan filayaa in aanu jirin cyaartoy ka fiican Luis Suarez. Marka la eego abaal marintaa, waxaan filayaa in Suarez uu aad ugu qalmo sidii uu u ciyaaray, wixii uu kooxda siiyay, sidii uu kooxda u qaaday, iyo heerkii uu sida joogtaada ah ugu ciyaaray”.

Rodgers worked with Suarez during his time in charge of Liverpool

Intaa kadib kadib Rodgers ayaa si wayn u amaanay Lionel Messi oo uu sheegay in uu jeclaa tan iyo markii uu arkay isaga oo 16 ama 17 sano jir ahaa wuxuuna yidhi: “Laakiin dhagayso, Lionel Messi waa ciyaart0y aan u khushuucay tan iyo markii aan arkay isaga oo yaraa. Waxaan isaga arkayay tan iyo markii uu ku jiray kooxda 16 ama 17 sano jirka, isla markaana tobankii sanadood ee ugu danbeeyay waxa uu ahaa mid xusuus mudan”.

 

Rodgers oo ka sii hadlaya tayada Messi ayaa yidhi: “Tayadiisa iyo waxa uu qabtay kaliya waa mucjiso. Anigu waxaan nasiib u yeeshay in aan la soo shaqeeyay Luis, sidaa daraadeed waxaan aqaan tayadiisa laakiin labaduba waa laba ciyaartoy oo cajiib ah”.

Comments are closed.