Kursigii Ugu Danbeyay Ee Aqalka Hoose Degaanada Jubaland Oo Maanta Lagu Dooranayo Magaalada Kismaayo

0
314

Magaalada Kismaayo oo mudo ay ka socotay Doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Jubbaland, waxaana dadka wax dooranayay ay ahaayeen Ergo la isku keenay oo ka soo jeeda Degaanada Jubbaland.

Maanta ayaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Jubbaland, maadaama la doortay 42 Mudane oo keliya uu harsan yahay hal kursi.

Doorasho maanta saacadu marka ay tahay 09:00 subaxnimo ka bilaaban doonta Magaalada Kismaayo ayaa lagu dooran doonaa halka kursi ee harsan, waxaana Maamulka Jubbaland uu noqonayaa Maamulka ugu horeeyay ee soo dhameystira Doorashooyinka Aqalka Hoose.

Degaanada Maamulka jubbaland ayaa waxaa ka imaanaya 43 xildhibaan oo ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub, sida hore ay ugu heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran.

Magaalooyinka Maamul Goboleedyada dalka ayaa hada waxaa si habsami leh uga socda Doorashooyinka Aqalka Hoose, waxaana la filayaa in ay ku soo dhameystiraan  dhamaadka Bishan November.