Maamulka Puntland oo Amaro Duldhigatay Imaamyada gobolka Mudug

3
312

Taliska ciidamada booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa amaro cusub kusoo rogay Imaamyada masaajidda magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku yaala.

Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Mudug oo saxaafada kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in imaamyada masaajidda magaalada Gaalkacyo ka doonayaan iney is diiwaan geliyaan si loo xaqiijiyo amaanka magaalada.

Taliyaha booliska C/Waaxid Cabdulle Warsame, ayaa sheegay iney doonayaan iney la socdaan dhaqdhaqaaqa iyo ardada masaajidda wax loogu aqriyo si looga warqabo tallaabooyinka ay qaadayaan.

Sidoo kale macalimiinta iskuulada iyo dugsiyada Qur’aanka ayuu ku amray iney is diiwaan gelin sameeyaan.

Taliyaha ayaa sheegay in amaanka magaalada muddooyinkii ugu dambeeyay uu ahaa mid soo hagaagaya, iminkana ay doonayaan iney sii xaqiijiyaan.

Comments are closed.