Maamulka Puntland oo si rasmi ah ugu dhowaaqay inay joojiyeen doorashooyinka Aqalka Hoose

3
254

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland oo loo diray Guddiga Doorashooyinka ayaa amar lagu siiyay in howlaha doorashada la hakiyo.

Warqada waxaa ku saxiixanaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar, waxayna Puntland qoraalkan ku sheegtay in aan wax doorasho ah la qaban doonin  ilaa wax laga qabto qaabka hada loo qaybinayo xubnaha Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Puntland ayaa mar sii horreysay sheegtay inay dooneyso in beelaha Sool iyo Sanaag xubno ka helaan xubnaha Aqalka Sare ee loo quundeeyay Somaliland.

Xarumihii waxbarasho ee doorashada ka socotay waxaa hadda dib uga bilowday waxbarashadii oo markii hore hakad ku jirtay doorashada darteed.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo Heer maamul goboleed oo la xiriira go’aanka lagu joojiyay doorashooyinkii Aqalka Hoose ee Garoowe ka socday.

 

Comments are closed.