Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Oo Ka Hadlay Sida Uu Ka Yeelayo Ganacsigiisa

0
262

Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay sida uu ka yeelayo ganacsigiisa gaarka ah marka uu si buuxda ula wareego bisha Janaayo ee sanadka cusub talada dalka Mareykanka.

Wareysi uu siiyay Wargeyska The New York Times ayuu ku sheegay Donald Trump in uu isku dhax wadi doono ganacsigiisa gaarka ah iyo talada dalka Mareykanka, waxa uuna tilmaamay in aysan is diideyn in uu labadaasi shaqo isku dhax wado.

Xubno ka tirsan Senetka Mareykanka ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan soo saaridda qaraar ka dalbanayo madaxweynaha la doortay inuu dad kale ku wareejiyo ganacsigiisa, si looga baaqsado in madaxweynaha macaash ka sameeyo xafiiska.

Madaxweynayaashi hore ee dalka Mareykanka waxaa ay doorbideen in ay kala saaraan ganacsigooda iyo howlaha dowladda iyagoo howlahooda gaarka ah u dhiibtay dad ka madax banaan shaqooyinka dowladda.

Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka ayaa ah nin taajir ah oo maamula in ka badan shan boqol xarumo ganacsi oo kala duwan, waxaana walaac xoogan laga muujinayaa sida uu isugu dhax wado karo ganacsigiisa iyo shaqooyinka waajibka ku ah.