Madaxweyne Axmed Madoobe Oo La Kulmay Gudiga Amniga Doorashoyinka Dalka

2
322

Madaxweynaha Maamul Goboledka  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe) ayaa wuxuu la kulmay Guddiga Amniga Qaranka ee Doorashooyinka dalka.

Labada dhinac oo kulankooda uu qaatay saacado badan ayaa waxa ay ka wada hadleen xaaladaha nabadgelyada goobaha Doorashooyinka ee Degaanada Jubbaland.

Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe) ayaa wuxuu sheegay Doorashooyinka Aqalka Hoose in Kismaayo ay uga socdaan, si habsami leh, sidoo kalena Amniga uu yahay mid la isku haleyn karo.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Ahna Gudoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka Qaran General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa wuxuu sheegay Jubbaland in ay si wanaagsan uga socdaan Doorashooyinka Aqalka Hoose.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Gudiga Amniga Doorashooyinka Qaran ay booqasho ku tageen Magaalada Kismaayo, waxaana maalinta beri ah la filayaa in la soo gaba gabeeyo Doorashada Aqalka Hoose ee ka socotay Magaalada Kismaayo, maadaama uu harsan yahay hal kursi.

Comments are closed.