Magaalada Kismaayo Oo Maanta Lagu Soo Gabagabeynaya Doorashada Aqalka Hoose

5
456

Doorashada Aqalka Hoose ayaa maanta lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland.

Doorashada oo soo martay dhowr wareeg ayaa maanta lagu wadaa in la doorto Saddexda mudane ee ugu dambeysa ee ka imaanaysa degaanada maamulka Jubbaland.

Labo beelood oo kuraastooda horay uu muran uga dhashay ayaa maanta lagu wadaa in lagu doorto Kismaayo  ka dib markii guddiga doorashooyinka ay xaliyeen.

Magaalada Kismaayo ayaa  ammaankeeda aad loo adkeeyay waxaana lagu wadaa in Magaalada lagu qabto munaasabad ku aadan soo gabagabeynta doorashada Aqalka Hoose ee degaanada maamulka Jubbaland.

 

Comments are closed.