Man City Oo Iska Xaadirisay Wareega 16ka Kooxood Ee Champions Leaque-ga, Iyo Natiijooyinkii Kulamada Champions Leaque-ga Oo Dhamaystiran

0
420

Waxaa caawa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay kulamadii shanaad ee heerka Groupyada Champions Leaque-ga waxaa hadhi doona kaliya kulamada lixaad oo kooxaha aan wali soo bixini ay kala hadhi doonaan. Kooxaha Barcelona iyo Manchester City ayaa ka mid noqday kooxihii hore u soo baxay halka kooxaha PSG iyo Arsenal ay wali ku dagaalami doonaan kaalinta kowaad ee Group A.

Laakiin kooxda kaliya ee xili ciyaareedkan soo wada guulaystay shantii kulan ee ay ciyaartay ee Atletico Madrid ayaa si rasmi ah u xaqiijisatay kaalinta kowaad ee Group D kadib markii ay 2:0 ku garaacday kooxda PSV, laakiin kooxda Carlo Ancelotti ee xaalada xun ku jirta ayaa guuldaro 3:2 ah kala soo laabtay kooxda Ruushka ka dhisan ee Rostov. Bayern Munich ayaa kaalinta labaad kaga soo baxday Group D.

Kulan laba casaan la bixiyay ayay Manchester City barbaro 1:1 ah la soo gaashay kooxda M’Glabach waxayna kooxda Guardiola u baahnayd kaliya in ay hal dhibic soo hesho si ay ugu soo baxdo wareega 16 ka kooxood ee Champions Leaque-ga. Daqiiqadii 23 aad M’Glabach ayaa gool kaga hormartay Man City waxaana u saxiixay Raffael  de Araújo laakiin goolkan waxaa kansalay David Silva inta ayna qaybtii hore ee kulankani dhamaan.

The diminutive Spaniard's tidy finish from the angle changed the momentum of the game at a crucial time for the away side

Daqiqiadii 51 aad M’Glabach ayaa kaadhka cas laga siiyay  Lars Stindl waxaana lagu soo yareeyay toban ciyaartoy laakiin daqiiqadii 63 aad Manchester lafeeda ayaa toban ciyaartoy lagu soo koobay kadib markii kaadhka cas  loo taagay  Fernandinho, waxayna labada kooxood ku kala baxeen barbaro 1:1 ah taas oo keentay in Manchester City ay kaalinta labaad kaga soo baxdo Group C. Barcelona ayaana kaalinta kowaad kaga soo baxday Group C.

HALKAN KAGA BOGO QAABKA AY NOQDEEN GROUPYADII KULAMADOODA CAAWA LA CIYAARAY:

HALKANA KAGA BOGO NATIIJADA DHAMAAN KULAMADII UCL EE LA CIYAARAY: