Micheal Keating oo ka hadlay Xiliga laga yaabo inay dhacdo Doorashada Madaxweynaha Somalia

2
313

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa sheegay in dib u dhac ku imaanayo xiligii horey loogu qorsheeyay in ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Micheal Keating ayaa cadeeyay in sida ay hada wax u socdaan aysan suurto gal aheyn in ay dhacdo doorashada Madxaweynaha Soomaaliya xiligii loogu tala galay oo aheed maalinta arbacada soo socota oo ku beegan 30 ka bisha November.

Waxa uu sheegay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya in doorashada Soomalaiya qiyaas ahaan ay dhici karto 15-ka December ee soo socota, waxa uuna rajo ka muujiyay in doorashada Soomaaliya ay si wanaagsan kusoo dhamaato.

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa ku baaqay n la dedejiyo dhameestirka Xubnaha Aqalka Sare iyo Aqalka hoose,si loo soo doorto Gudoonka labada aqal ee Baarlamaanka..

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iyo tan Gudoonka Baarlamaanka ayaa marar badan waqtigii loo qorsheeyay dib uga dhacday, walina lama shaacin xiliga rasmiga ah ee mar kale qabsoomayana doorashada Gudoonka labada Aqal iyo tan Madaxweynaha Soomaaliya.

Comments are closed.