Neymar Oo 5-Sano Xabsi Geli Doona Kubadna aan Ciyaari Doonin Iyo Barcelona Oo Musiibo Ku Soo Socoto

1
367

NEYMAR waxaa lagu xukumi doonaa 5-sano oo Xabsi halka Barcelona lagu ganaaxi dona aduun lacageed gaaraya £160milyan , Maxkamada ayaana sidaas ku dhawaaqi doonta.

Shirkada qeyb ku laheyd mikiyada Nemyar ee DIS ayaa codsatay in ciqaab adag la marsiiyo laacibkaan Brazil oo Musuq maasuq aabihiis ay ku sheegtay waxaaba shirkadaan ay heli laheyd markuu ka soo tagayay Santos lacago badan hadii aan wax la iska daba marin laheyn.

1

Neymar waxaa hubaal ah inuu wajahayo Xabsi ku dhow shan sano hadii dambigaan ku cadaado waxaana uu gabi ahaanba ka hari doonaa shantaas sano ciyaaraha kubada cagta maxkamada sare ee dalka Spain ayaana sidaas codsatay.

Laacibkaan Brazil ayaa qeyb ku lahaa sida la aaminsan yahay Musuq maasuq dhex maray Isaga,aabihii iyo Madaxweynayaasha Barcelona sanadkii 2013.

Madaxweynaha hada kooxda maamulkeeda haya Josep Barthomeu, iyo Ninkii ku guuleystay soo xera gelinta Neymar oo isna madaxweyne ka ahaa barca, Sandro Rossell, ayaa iyagana la sheegayaa inay heli xukun ah Min Sideed sano o xabsi ah.

Shirkada DIS ayaa maxkamada tustay cadeymo dhowr ah waxaana hada loo baqayaa madaxdaas iyo laacibka mustaqbalka fiican ku leh ciyaaraha Neymar.

neymar

Comments are closed.