Ninkii ka Dambeeyay Qaraxii ka dhacay Muqdisho oo la qabtay iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo…

2
403

Waxaa Duhurnimadii maanta qarax xoogan oo loo adeegsaday gaara=i waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay agagaarka Suuqa Beerta Degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Qaraxan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxaa ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo ka agdhawaa halka uu ku qarxay gaariga waxyaabaha qarxa laga soo uuxiyay.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay in ay ka agdhawaayeen Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo xiray wadadaasi, waxaana meel aan ka fogeyn halka uu qaraxu ka dhacay ku sugnaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gacanta ku hayaan ninkii ka dambeeyay qaraxan xoogan ee dhaliyay qasaaraha kala duwan, Madaxweynaha ayaana bixin faah faahin intaasi dheer, waxa uuna si kulul u cambaareeyay weerarkan.

Saraakiil katirsan booliiska ayaa dhankooda xaqiijiyay in gacanta lagu hayo ninkii waday gaariga ku qarxay Degmada Waabari, waxa ayna saraakiishan sheegeen in ay socdaan baaritaano ayna dib ka faah faahin doonaan qaraxan iyo ninka gacanta lagu hayo.

qarax-3

Comments are closed.