Qudhaanjada Oo La Ogaaday Inuu Aadamuhu Ka Bartay Beero Falashada!!

1
513

­Bani’aadamku  waxa  ay  beero  falashada  bilaabeen  12,000 sannadood  ka  hor  sida  saynisyahannadu  ku  doodeen,  iyadoo  50kii  sanno  ee  u dambeeyey baadhitaanno iyo cilmi­baadhis la waday ifiyeen in dadku aanay ahayn noolaha kaliya ee beeraha bilaabay. Cilmi­baadhis  cusub ayaa  shaaca  ka  qaadday  in  nooc  ka  mid  ah  cayayaanka qudhaanjada (Fijian ant) ay ahayd noolihii ugu horreeyey beer qota ku dhawaad saddex milyan oo sanno ka hor.

Baadhitaanku waxa uu sheegay in qudhaanjadu si taxadir leh u abqaashay siidh, uguna  riday  carro  uu  ka  soo  bixi  karo,  muddana  sugaysay  ilaa  intii  geedku baxayey, kaasoo aakhirkii dhalay midho. Ilaa  hadda  saynisyahannadu  ma  yaqanaan  sababta  keentay  in  qudhaanjada geedka  beerto,  balse  waxay  arrintan  qudhaanjadaas  ka  dhigaysaa  in  ay  tahay noolihii ugu horreeyey  ee malaayiin  sanno ka hor beer fala, bana’aadamkuna ka bartay xirfaddaas keentay in ay ku noolaadaan. Daraasaddan  oo  ay  soo  sareen  khubaro  ka  tirsan  Jaamacadda  University  of Munich  ee dalka  Jarmalka, waxa  ay dibadda u  soo  saartay wax  cajiib  ah oo  aan xayawaanka laga filayn.

“Dhacdan waa mid  cajiib  ah,”  ayuu  yidhi Dr. Brian Fisher oo  ah khabiir  cilmiga barashada cayayaanka ku takhasusay (entomologist), waxna ka dhiga Jaamacadda the California Academy of Sciences. “Waxa  aan  hore  u  ogayn  in  qudhaanjadu  siidhka  ku  filqiso  dhulka,  kadibna  ay geedka  quudato,  balse  ma  aannu  hayn  kiiska  ah  in  ay  beertaan  wax  oo  aanay la’aantood noolaan karin,” ayuu yidhi Dr. Brain oo la hadlay warbaahinta NPR. Inta badan waxa caado u ah qudhaanjada in ay dhirta ka dhigato hoy iyo cuntaba, halka dhirtuna u baahan yahay qudhaanjada si ay siidhkiisa dhulka ugu daadiso, una tarmo. Beeralayda  qaar  ayaa  kaneecada  u  isticmaala  inay  siidhka  u  filqiyaan  si  ay  ugu tarmaan oo degdeg ugu soo baxaan, taasna waxay sheegeen in ay caddayn u tahay in qudhaanjada qaar laga bartay beero falashada.

Comments are closed.