Sababta Uusan Neymar Xabsi U Galin Doonin

0
281

Warbaahinta ayaa aad u buun buunisay in xabsiga loo diri doono xidiga Barcelona Neymar Jr kaas oo lagu heysto arimo musuq maasuq ah ,laakiin ma tagi doono xabsi sida ay sheegtay AS.

Marka la eego nuuca dambi ee loo heysto waxaa badi Spain ay ka tahay xukun labo sano ah waxaana uu badalkeeda bixin doonaa lacag aan wali la carabaabin.

Hogaamiyaha la yiraahdo Jose Perals ayaa raadinaya in xidigaan lagu xakumo labo sano waxaana ay umuuqata inuu dambigaan ku cad yahay.

Laacibkaan reer Brazil ayaa maxkamada kasoo muuqan doona dhowaan waxaana la filaya iney Barcelona garab istaagto laacibkeeda.

Xidigaan waxaa uu mari doona wadadi saaxibadiisa Barcelona ee Messi iyo Mascherano kuwaas oo ganaaxooda lacag loogu badalay kadib markii iyagana sidaan oo kale lagu eedeeyay musuq maasuq.

Neymar iyo qoyskiisu aad uguma dheera iney dagaal kala hortagaan maxkamada mana la filaayo iney arintaan saameyso joogistiisa kooxdda Barcelona.