Sky Sports Oo Shaaciyay Qiimaynta Todobaad-laha Ah Ee Power Raking Ee Kulamadii 12-Aad Ee Premier Leaque-ga, Xidigaha Kooxaha Chelsea Iyo Liverpool Oo Hogaaminaya Iyo Liiska Oo Dhamaystiran

0
349

Sky Sports ayaa xili ciyaareedkan bilaabay barnaamij cusub oo xili ciyaareedkan 2016/17 la bilawday kaas oo ay todobaadkasta maalinta talaada ku soo bandhigaan  qiimaynayta bandhiga ciyaartoyda Premier Leaque-ga ee todobaad kasta ugu fiican waxaana barnaamijkan loogu magacdaray ‘Power Ranking’. Todobaad kasta oo la ciyaaro kulamada premier Leaque-ga ayaa la soo saaraa barnaamijkan Power Raking.

Qiimayntan ayaa ka kooban laba qaybood, waxaana qaybta hore lagu soo saaraa guud ahaan ciyaartoyda ugu bandhiga fiicnaa kulamada Premier Leaque-ga ee la soo ciyaaray halka qaybta labaad lagu soo saaro qiimaynta koox kasta ciyaartoyga ugu qiimaynta fiicnaa kulamada Premier Leaque-ga ee la soo ciyaaray.

Haddaba shabakadda Laacib.net ayaa si joogto ah  akhristayaasheeda u ugu soo tabisa qiimayntan maalin kasta oo talaado ah isla marka ay Sky Sports soo saarto qiimaynteeda Power Ranking. Qiimayntan ayaa lagu soo xulan karaaa qaab ciyaareedka ciyaartoyda ee xili ciyaareedka oo dhan sida joogtada ah u muujiyay bandhiga fiican.

Xidiga kooxda Chelsea ee Eden Hazard markii saddexaad ku soo baxay kaalinta kowaad ee Sky Sports Power Raking kadib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed fiican oo joogto ah halka xidiga ay isku kooxda yihiin ee Diego Costa uu laba boos sare u soo kacay isla markaana uu kaalinta labaad soo cidhiidhsaday kadib markii uu dhaliyay goolkiisii tobanaad ee Premier Leaque-ga.

Kooxaha Chelsea iyo Liverpool ayaa qabsaday tobanka kaalmood ee ugu horeeyay ee Power Raking marka laga reebo kalainta 9 aad oo uu galay Sergio Aguero halka 20 ka ciyaaroy ee ugu qiimaynta sareeya ay 3 ciyaartoy oo kaliyi ay yihiin kuwo aan ka tirsanayn Liverpool iyo Chelsea. Haddii aan si kale u dhigno 17ka ciyaartoy ee ugu qiimaynta sareeya Power Ranking ayaa ka soo kala yeedha kooxaha Chelsea iyo Liverpool halka 3 ciyaartoy oo kaliyi ay kooxaha kale ku yeesheen 20 ka ciyaartoy ee qiimayntan ugu sareeya.

QIIMAYNTA SKY SPORTS EE POWER RAKING IYO XIDIGAHA UGU SAREEYA EE KULAMADII 12 AAD EE PL:

QIIMAYNTA SKY SPORTS EE POWER RAKING IYO XIDIGAHA KOOXAHOODA UGU QIIMAYNTA SAREEYA EE KULAMADII 12 AAD EE PL: