Somaliland oo toos u bilaabeysa sahanka shidaalka

1
255

Maamulka Somaliland ayaa shaacisay inay si toos ah u bilaabeyso sahanka shidaalka ayada qudheedu.

Somaliland ayaa awal waxaa shidaal baaris ka waday shirkado dalal shisheeye laga leeyahay. Wazaarada Macdanta ee Somaliland ayaa qirtay in haatan ay hawshaa ka caawin doonto shirkad dalka Shiinaha laga leeyahay.

Shirkadaa ayaa si kastaba ha ahaatee ayadu hoos imaan doonta wasaaradaa balse aan u shaqeyn doonin si iskeed ah.

In muddo ahba waxaa Somaliland ka socday hawlo sahan shidaal ah walow dhowr jeer ay hakad galeen.

shidaal-qodis

Comments are closed.