Taliska Dowlada Mareykanka Oo Beenisay in Askari Looga Dilay Gudaha Dalka Soomaaliya

2
287

Taliska ciidamada Maraykanka ee magacooda loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa waxba kama jiraan ku sheegay war ka soo baxay ururka Al-shabaab oo sheegtay in askari ka tirsan ciidammada Mareykanka ku dilleen iska horimaad ka dhacay Jubbooyinka.

Sarkaal u hadlay taliska AFRICOM ayaa warkan ka soo yeeray Al-shabaab ku tilmaamay wax lala yaabo, isaga oo meesha ka saaray sheegashada ah in askari looga dillay howlgalka ay ka sameeyeen Soomaaliya.

Askarigan dhimashadiisa ay sheegteen Al-shabaab oo lagu magacaabo Zachary Allan Bannister ayaa dhintay 17-kii Bishii Oktoobar, waxaana warbaahinta Maraykanku sheegtay in uu ku dhintay saldhig ku yaalla dalka Kenya.

Zachary Allan Bannister oo ka howlgali jiray saldhig militari oo ciidammada Mareykanka ku leeyihiin jasiirada Lamu ee dalka Kenya ayaa loo maleynayaa in uu isaga naftiisa wax yeelleeyay siddaa uu ku dhintay.

Dhawaan ayeey aheyd markii ciidamo Mareykanka ah ka qeyb-qaateen howlgal ka dhan ah ahaa Al-shabaab oo laga fuliyay deegaannada Jubbooyinka.

Comments are closed.