WAALI CAS: Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Lionel Messi Iyo Waxa Uu Ku Dambeyn Karo

2
691

Manchester United macalinkeeda Jose Mourinho ayaa aaminsan in fursad yar ay kaga banaan tahay Lionel Messi in uu suuqa soo galo, islamarkaana la iibsado, xilli uu sheegay in uu ugu dambeyn uu ku dhameysan doono xirfadiisa kooxda Barcelona.

Wararka dhawaan ka imaanayay Spain ayaa sheegayay in Lionel Messi uu diiday saxiixida heshiis cusub, taas oo raja galisay naadiga Manchester City oo doonaysa adeega xiddigan heerka caalami.

“Waa sheeko xilli ciyaareed kasta la hadal hayo, wargeysyada mar waliba waxay sheegaan in uu baxayo, balse waligeed ma dhacayso, daacad ahaan, waxaan rajeynayaa in uusan waligiis ka tagin Camp nou,” ayuu u sheegay Saxaafada shirkii jaraa’id ee Arbacada.

“Barcelona ayaa iska leh, isna Barcelona ayuu iska leeyahay waxaan rajeynayaa in uu ku dhameysto noloshiisa halkaas,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeyay Jose Mourniho.

Mourinho ayaa sidoo kale saxaafada u sheegay ka hor kulanka Europa League ay la ciyaarayaan naadiga Feyenoord in Zlatan Ibrahimovic uu heysto fursad ah in heshiiska loo kordhiyo.

misse-iyo-more-no

Comments are closed.