Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka ka socda Koofurta Mudug iyo Galmudug oo Abaabul Ciidan wada

2
398

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Degaanka Dumaaye ee Koofurta Gobolka Mudug oo Saaka uu ka dhacay Dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo Dad Xoolo dhaqato ah ayaa sheegaya in Hadda uu Dagaalku Istaagay.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu Sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Labada dhinac,waxaana Dadka Xoolo dhaqatada ah ee Shabaabka la dagaalamay ay sheegeen in ay la’yihiin Meel ay dhaawaca soo marsiistaan.

Dhaka kale Magaalooyinka Cadaado,Gaalkacyo iyo Hobyo oo ka wada tirsan Galmudug ayaa waxaa ka socda Abaabul Ciidan oo ay wadaan Ciidamada Galmudug oo ay doonayaan in ay u Gurmadaan Shacabka la dagaalamaya Al-shabaab.

Galmudug weli wax War ah kama soo saarin Dagaalka Saaka ka dhacay Degeenka Dumaaye ee Koofurta Gobolka Mudug.

Comments are closed.